Wararka naga soo gaaraya waqooyiga daanta galbeed ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay halkaas ku dileen labo qof oo u dhashay wadanka Falastiin.
Waxaa sidoo kale uu dhaawac culus soo gaaray qof saddexaad.
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in shakhsiyaadkan laga takhalusay ka dib weerar lala eegtay saldhig militari oo ay Israa’iil leedahay.
Saldhigga ayaa lagu magacaabaa Salem wuxuuna ku yaalla meel u dhow magaalada Jenin.
Booliska Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in saddexda qof ay hub la eegteen iridda weyn ee saldhigga militari.
Ilaa iyo hadda ma jirto faahfaahin laga hayo khasaaraha soo gaaray dhanka Israa’iil.