Ciidamada Israa’iil oo burburiyay guryo ay leeyihiin Falastiiniyiin ku nool Jericho iyo Ramallah

0
379

Ciidanka Israa’iil ayaa burburiyay guryo ku yaal aagga Matar ee bariga Jericho, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Wafa.
Burburinta ayaa qayb ka ah siyaasad ballaaran oo Israa’iil ay ku barakicinayso Falastiiniyiinta ku nool Dooxada Urdun iyo Jericho, iyagoo ujeedadoodu tahay inay faarujiyaan dadka deggan gobolka.
Dhacdo kale oo ka dhacday galbeedka magaalada Ramallah, ciidamada Israa’iil ayaa waxaa ay burburiyeen dhisme beereed waxaa ayna burburiyeen dhul ballaaran oo ku yaalo magaalada Budrus.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada, oo ay weheliyaan cagaf cagaf, ay sidoo kale rujiyeen geedo ku yaal beer uu lahaa Muhammad Yusuf Abdul Karim.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale galay Silat al-Harithiya, oo galbeed ka xigta Jenin, iyagoo waraaqo hanjabaad ah u qaybiyay dadka deegaanka.