Ciidamada difaaca oo si joogto ah ugu sugnaan doono deegaannada ay burcaddu saameysay

0
362

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale iyo dhigiisa arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in saraakiisha difaaca ay si joogto ah uga howlgeli doonaan deegaannada ay saameeyeen falalka amni darro sida burcadnimada.
Waxay labaduba difaaceen howlgal ballaaran oo uu militariga wadanka qayb ka yahay oo ka socdo waqooyiga gobolka Rift Valley.
Wasiirrada ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli ay shalay ka soo hormuuqdeen guddiyada difaaca iyo amniga qaran ee baarlamaanka.
Ducaale ayaa sheegay inay socdaan wada hadallo qorshahan ku aaddan iyadoo ansixin laga sugaya golaha qaran ee amniga ee NSC.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marka golaha uu tallaabadan si buuxda u meel mariyo ay baarlamaanka waydiisan doonaan inuu u sharciyeeyo.
Labada wasiir ayaa sheegay in markii ciidamada militariga la geynayay deegaannada ay ku soo noqnoqdeen dilalka iyo dhaca xoolaha in aan la baal marin dastuurka dalka.