Ciidamada Danab oo howlgal ay ku dileen 5 ka tirsan Al Shabaab ka sameeyay deegaanka Labakuus ee gobolka Jubbada Hoose

0
484

Ciidamada kumaandooska Danab ayaa weerar qorshaysan oo dhanka amniga ah oo lagu wiiqayo khatarta kooxda Al Shabaab ka fuliyay deegaanka Labakuus ee gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda la weerarray ee Al Shabaab ah ay isbaaro u taalay deegaankaasi, halkaas oo ay lacago uga qaadan jireen dadka iyo gaadiidka halkaasi mara iyo sidoo kale canshuur ay ka qaadaan dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaankaasi ku dhaqan.
Inta uu socday howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 5 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxdaasi u qaabilsanaa dhanka dhaqaalaha ee deegaanka Labakuus halka mid kale ay gacanta ku dhigeen ciidamada Danab.
Ciidamada Danab ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan hubkii ay wateen Al Shabaab oo isugu jiray 4 qori oo AK47 ah, 1 qori oo nooca BKM-ka ah ee loo yaqaano iyo daraasiin qalab kale oo hub ah.