Ciidamada dambi baarista dalka oo xiray afar nin oo jabsaday guri ku yaala Embakasi

0
679

Ciidamada dambi baarista ee DCI ayaa xabsiga u taxaabay afar eedaysane oo lala xiriirinayo inay jabsadeen guryaha Rama Homes ee magaalada Embakasi, kadib howlgal deg deg ah oo la sameeyay galinkii hore ee maanta.
War qoraal ah oo ay soo saartay DCI-da ayaa lagu sheegay in howlgalka wadajirka ah ay ku lug lahaayeen saraakiil sharci ilaalin ah oo ka tirsan maamul hoosaadka Embakasi kuwaas oo ku howlanaa xog ay ka heleen dad shacab ah.
Tuhmanayaasha ayaa lagu kala magacaaba Patrick Mwangi Njue, Patrick Kariuki Karobia, Emmanuel Masika Bichi, iyo Thomas Mucho Sikulova .
Afarta qof ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.