Ciidamada dambi baarista ee deegaanka Kirinyaga ayaa gacanta ku dhigay nin iska dhigayay in uu yahay askari boolis ah, kaas oo soo xaday agab badan oo dawladdu leedahay.
Dembi-baarayaashu oo helay xog sirdoon waxay xireen Newton Wachira Waweru, kaasoo, ka dib su’aalo la weydiiyay, u horseeday Booliska in hoygiisa oo ku yaal aagga Thika’s Makongeni laga soo helo alaab badan oo ay dowladu leedahay.
Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray agaasimaha waaxda dambi baadhista (DCI) baadhitaan lagu sameeyay guriga Waweru ayaa laga helay agab dawladeed oo ay ku jiraan laba jaakadaha Booliska ah , , laba surwaal oo ah dareyska ciidamada , kabaha milatariga hub, iyo waxyaabo kale.
Waweru ayaa xabsiga loo taxaabay isaga iyo alaabtii laga helay.
Hadda waxa ku socda baaritaan ,isagoona la soo taagi doono maxkamada .
Ciidamada dambi baarista ayaa bilaabay in ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan Newton si loo ogaado falal dambiyeedka kale uu ku lug yeeshay.