Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada booliska ee dalka Tunisia ay xoog ku galeen xafiiska warbaahinta Al Jazeera ee caasimadda wadankaasi eeTunis.
Ciidamada ayaa kala eryay dhammaan shaqaalihii xaruntaasi ka dib markii madaxweynihi dalkaasi Kais Saied uu gelinkii dambe ee shalay kala diray golaha xeer dejinta islamarkaana shaqada ka ceyriyay ra’iisul wasaarihi wadankaasi.
Laamaha ammaanka ee falkan ku dhaqaaqay ayaa sheegay in amar la soo siiyay islamarkaana ka codsadeen dhammaan saxafiyiinta inay xarunta ka baxaan.
Tallaabada uu qaaday madaxweynaha Tunisia ayaa waxaa dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay afgembi ay tahay in laga soo horjeesto.
Afhayeenka baarlamaanka dalka Tunisia Rached Ghannouchi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Saied inuu billaabay afgembi ka dhan ah kacaanka iyo dastuurka.
Madaxweyne Kais Saied ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegayo xilka isagoo gacan ka helaya ra’iisul wasaare cusub.
Waxa auu sheegay inuu damacsan yahay inuu dejiyo xaaladda dalkasi oo uu dib u soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta ka dib dibadbaxyo dalkaasi ka jiray oo looga soo horjeeday xukuumadda dalkaasi.