DHAGEYSO:Ciidamada booliiska oo mushaar kordhin loo sameyn doono bisha 7-aad

0
249

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in laga billaabo bisha toddobaad ee sanadkan ciidamada booliiska loo kordhin doono mushaarka ay qaataan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mushaar kordhintan ay tahay boqolkiiba 40.
Tani ayaa qayb ka ah soo jeedinnada guddi loo saaray wanaajinta daryeelka ciidamada ammaanka .
Xubnaha guddigan oo uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaalada dalka David Maraga ayaa warbixintooda ku sheegay in mushaar kordhinta saraakiisha lagu dhaqangelin doono saddex sano gudahooda.
Waxaa sidoo kale arrinkan ka faa’iidaysan doono saraakiisha waaxda asluubta iyo kuwa adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Rigathi Gachagua oo ka hadlaya qorshaha dowladda ee arrinkan ku aaddan ayaa yiri.