Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin xaaskiisa ku dilay tooreey

0
326

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Shalay uu halkaasi si naxariis darro ah uu ugu dilay nin dhallinyaro ah Xaaskiisa.
Ninka ayaa dilka Xaaskiisa u adeegsaday sida la sheegay Tooreey af badan oo uu kaga dhuftay dhowr meelood oo halis badan, waxaana la tilmaamay in qoyska uu ka dhex jiray khilaaf.
Ciidamada ammaanka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in si degdeg ah gacanta ugu dhigeen ninkan dilka u gaystay Xaaskiisa, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkan uu Xaaskiisa ugu dilo Tooreyda si arxan darro ah.
Dilkan naxdinta leh ee ka dhacay Shalay Galab degmada Qoryooleey ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Shalay Muqdisho si weyn looga hadal hayay geerida hooyo korsaneysay lix carruur oo agoon ah, taasoo u geeriyootay dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray maalmo ka hor dab uu qabadsiiyay ninkii iyada qabay maseyr dartis, xilli ay hooyadaan u lahayd uur lix bilood ah.
Dilalka aragagaxa leh ee ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa soo kordhayay sanadahii dambe, waxana meelo kala duwan oo dalka ah ka dhacay dilal noocaan oo kale ah oo reebay uurku taalo iyo murugo aanan la ilaawi karin.