Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Kisumu ayaa guda galay baaritaano la xiriira dhacdo lagu qabtay 5 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Pakistan.
Shalay ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay shakhsiyaadkan.
Taliyaha booliska ee Kisumu Samuel Anampiu ayaa sheegay in labo ka mid ah eedeysanayaasha laga qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Kisumu iyo Kakamega halka saddexda kale laga soo qabtay xarunta Ahero ee wadada u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Nairobi.
Waxaa uu intaa ku daray in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada iyo booliska caadiga.
Mr. Anampiu ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin karin in shakhsiyaadkan ay ku lug leeyihiin falalka argagixisada iyo in kale.
Taliyaha ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay laamaha ammaanka u soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta waxyaabaha ay ka shakiyaan in ay khalkhal gelin karaan amniga.