Chirchir oo kormeeray shaqada waddada Rironi iyo Mau Summit si loo beeniyo sheegashooyinka hakad ku yimid mashruucan

0
601

Wasiirka Gaadiidka iyo Waddooyinka, Davis Chirchir, ayaa kormeer ku tagay shaqooyinka socda ee waddada Rironi iyo Mau Summit si uu ugu xaqiijiyo shacabka in mashruuca waddadan malaayiinta shillin ku kacaya uu weli socdo, ka dib bilo dhaliilo ah oo lagu sheegay in shaqada ay istaagtay.
Waddadan oo ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan dalka, iskuna xirta Nairobi, Nakuru, Galbeedka dalka iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika, ayaa wajahaysay cadaadis sii kordhaya oo la xiriira gaabis ku yimid shaqada, dhaqdhaqaaq yar oo ka jiray goobaha dhismaha iyo ciriiri sii xumaanaya.
Intii uu kormeerka ku guda jiray wasiir Chirchir ayaa sheegay in qandaraaslayaal dhowr ah ay hadda si buuxda u bilaabeen shaqooyinka hordhaca ah ee qaybo kala duwan oo waddada ah.
Deegaanka Rironi, shirkadda China Road and Bridge Corporation (CRBC) ayaa ka shaqaynaysa shanta kiiloomitir ee ugu horreeya, halka shan kiiloomitir oo kale laga dhisayo Gilgil. Shirkadda Shandong Construction Company ayaa iyaduna bilowday shaqo 10 kiiloomitir ah oo ka socota Kariandusi, iyo shan kiiloomitir oo kale oo ka bilaabanaya Mau Summit.
Dowladda ayaa u aragta labalaabista waddada Rironi iyo Mau Summit mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha, yareynta ciriiriga gaadiidka iyo kor u qaadista badbaadada waddo ay maraan gaadiid ganacsi culus, basas masaafad dheer iyo xamuul ka gudba xuduudaha.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu fududeeyo isku socodka badeecadaha iyo rakaabka u kala goosha Nairobi, Nakuru, Galbeedka dalka iyo dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika EAC, taasoo sare u qaadaysa ganacsiga iyo isdhexgalka gobolka.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in mashruuca uu abuuri doono ku dhowaad 10,000 oo shaqo, iyadoo mudnaan la siinayo dhallinyarada, si loo helo shaqooyin ku meel gaar ah iyo tababarro xirfadeed oo mustaqbalka faa’iido u leh bulshada deegaanka.
Bishii hore, Maxkamadda Sare ee Nakuru ayaa la horgeeyay codsi lagu dalbanayo in la joojiyo dhismaha waddada Rironi, Nakuru iyo Mau Summit, inta laga go’aaminayo dacwad ka dhan ah sharciyadda iyo faa’iidada dhaqaale ee mashruuca.
Dacwaddaas ayaa waxaa gudbiyay Ururka Darawallada dalka iyo saddex qof oo kale, kuwaas oo dalbanayay amar maxkamadeed oo joojinaya dhammaan shaqooyinka dhismaha iyo diyaargarowga mashruuca.
Dacwad oogayaasha ayaa ku doodaya in qorshaha dowladda ee ku saleysan iskaashi dadweyne iyo mid gaar loo leeyahay uu horseedayo in la wareejiyo waddo istiraatiiji ah, taasoo ay sheegeen inay wiiqayso madax bannaanida qaranka isla markaana culays dhaqaale saaraysa canshuur bixiyeyaasha.
Waxaa ay sidoo kale ku andacoodeen in mashruuca uu ku dhisan yahay dano siyaasadeed iyo kuwo ganacsi, halkii uu ka ahaan lahaa baahi dhab ah oo dadweyne, iyagoo ku eedeeyay mas’uuliyiin hore inay si ula kac ah u hakiiyeen ballaarinta waddadan muddo ka badan toban sano si loo abuuro xaalad marmarsiiyo u noqota gaar loo yeelidda iyo dib u soo celinta lacagaha jidmarka.