Chelugui oo jebiyay ururka kaydka iyo bixinta amaahda ee KUSCCO

0
214

Wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka, ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee dalka Simon Chelugui ayaa shaaciyay in la kala diray maamulka iyo guddiga agaasimayaasha ee ururka qaabilsan kaydka lacagaha iyo bixinta amaahda ee (KUSCCO).
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay maamul xumo.
Waxaa uu wasiirku maamulka iyo guddiga agaasimayaasha ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda.
Tallaabada uu qaaday ayuu ku tilmaamay mid lagu hubinayo isla xisaabtan iyo soo celinta kalsoonidii lagu qabay ururkan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay soo baxeen su’aallo la xiriira qaabkii loo maareeyay lacag dhan 5.4 bilyan oo shilin laga soo billaabo bishii 2-aad ee sanadkii 2013-kii ilaa bishii Afaraad ee sanadkan wuxuuna magacaabay guddi si ku meel gaar ah shaqada u sii wadaya.