Chege Njuguna oo ku guulaystay xilka xildhibaanka deegaanka Kandara

0
250

Musharraxii xisbiga talada wadanka haya ee UDA ku matalayey tartanka xildhibaanannimo ee deegaan baarlamaneedka Kandara ee ismaamulka Murang’a Chege Njuguna ayaa loo doortay mudanaha deegaankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu helay codad gaaraya 21,650.
Waxaa nambarka labaad soo galay Titus Njau Mbuchu oo ka tirsan xisbiga Ford Asili oo soo hooyay codad dhan 14,678 .
Nambarka Saddexaad waxaa noqday musharraxii xisbiga Usawa kwa Wote,Kibiru PMG Junior oo helay 1,469 oo codad ah.
Shanta musharrax ee kale ayaa helay wax ka yar 200 oo codad ah.
Sarkaalka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC u qaabilsan Murang’a , Linet Kilonzo ayaa tirada dadweynaha ismaamulkaasi ee codeynta u soo baxay ku sheegtay boqolkiiba 38.6.
Deegaanka Kandara waxaa ka diiwaangashan 105, 148 oo codbixiyeyaal ah.
Kilonzo ayaa shacabka deegaankaasi ku bogaadisay inay doorashada si nabad ah uga qayb qaateen.
Waxay intaasi ku dartay in Kandara aan laga soo tabin wax qalalaase ah oo la xiriira codeynta.
Chege Njuguna ayaa ka dib markii shahaadada guusha la siiyay ballanqaaday inuu sii wadi doono barnaamijyada horumarineed ee ay billowday Alice Wahome.
Waxaa uu u mahadceliyay xisbiga UDA iyo cid waliba oo garab ku siisay ololaha doorasho.
Chege ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii siyaasadda oo uu dhammaan musharraxiintii la tartamayay ugu baaqay inay gacan ku siiyaan u adeegidda dadweynaha ku nool deegaanka Kandara.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shaqada ugu horreysa ee uu qaban doono ay tahay in ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah ay helaan lacagaha ay dowladdu uga bixiso tacliinta ee CDF ka hor inta aynan dib ugu laaban dugsiyada.
Deegaanka Kandara ayaa shalay lagu qabtay doorasho ku celis ah ka dib markii xildhibaankii deegaankaasi , Alice Wahome loo magacaabay wasiiradda biyaha iyo waraabka ee dalka.