Chebukati: Afarta sarkaal ee natiijada madaxtinimo diiday waxay doonayeen in wareeg labaad la aado

0
566

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii ay afarta guddoomiye ee gudiga IEBC ku diideen natiijada madaxtinimo.
Afarta sarkaal ee IEBC ee diiday natiijada ayaa kala ahaa Juliana Cherera oo ahayd guddoomiye ku xigeenka guddigan, Francis Wanderi, Justus Nyang’aya iyo Irene Masit.
Bayaan uu soo saaray Chebukati ayuu ku sheegay in afartaasi sarkaal ay ka codsadeen in uu natiijada dhexdhexaad ka dhigo ama isku mid, si dalka mar labaad doorasho madaxtinimo uga dhacdo oo waraag labaad la aado.