Chad oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

0
332

Madaxweynaha dalka Chad Mahamat Idriss Deby ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ugu yaraan hal milyan oo qof ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab culus oo wadankaasi ka da’ay .
Fatahaadaha Chad ee sanadkan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu xoogganaa tobaneeyo sano.
Madaxweyne Deby waxaa uu sheegay in amarka xaaladda degdegga ee uu soo saaray uu yahay mid lagu xakameynaya laguna maareynaya musiibada qaran.
Daadadka waxay saameeyeen ilaa 636 degmo oo hoos tago 18 ka mid ah 23-ka gobol ee dalka Chad.
Saameynta ugu daran ayaa laga dareemaya gobollada Koonfureed ee Mayo Kebbi Est, Logone Occidental, Tandjile, Moyen-Chari iyo Mandoul.
Biyaha daadka waxay ku fideen dhul dhan 1.15 milyan oo eekar halka 19,000 neef oo xoolo ah ay biyaha la tageen.
Qaramada Midoobay waxay sheegaysa in 5.5 milyan oo qof oo u dhashay wadanka Chad ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo baniaadannimo.
Bangiga adduunka ayaa laga soo xigtay in boqolkiiba 42 ee dadka wadankaasi ku nool oo gaaraya 16 milyan inay ku nool yihiin saboolnimo.