Chad oo ay doorasho madaxtinimo ka socoto

0
555

Shacabka wadanka Chad ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan madaxweyne cusub.
Madaxweynaha hadda talada haya ee wadankaas Idriis Deby ayaa doonaya inuu xafiiska sii joogo in kastoo uu dalkaas hoggaaminayay 30 sano.
Codeynta ayaa imaanaysa iyada oo xubnaha mucaaradka ay maamulka Deby si weyn ugu dhaliilayaan inuusan wax badan ka qaban dhaqaalaha.
Idris Deby oo 68 sano jir ah ayaa talada Chad qabtay 1990-kii ka dib markii talada laga tuuray hoggaamiyihii militari ee mudada dheeraa Hissene Habre .