Waxaa isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi ku geeriyootay Catherine Kasavuli oo ahayd rugcadda saxaafadeed.
Kasavuli oo muddo la xanuunsanayd kansarka minka ayaa geeriyootay iyadoo 60 sano jir ah.
Waxaa dhimashadeeda xaqiijiyay sii hayaha xilka agaasimaha guud ee warbaahinta dowladda ee KBC ,Samuel Maina.
Ms Kasavuli ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee wariye ah gudaha wadanka oo ka shaqeysa telefishin.
Waxaa ay horay uga soo howlgashay warbaahinada kala ah Citizen TV, KBC iyo KTN.
Sanadkii 2020-kii ayay dib ugu soo laabatay shirkadda KBC iyadoo ka mid ahayd wariyaal caan ah oo dib loo shaqaaleysiiyay si ay u wanaajiyaan waxqabadka warbaahinta qaranka.
Legendary broadcaster, Catherine Kasavuli, has died. She passed away on Thursday night at KNH where she was receiving treatment. ^CW#TheGreatKBC pic.twitter.com/ezey5np08L
— KBC Channel1 News (@KBCChannel1) December 30, 2022