Caruur Walaalo ah oo Maydadkooda laga Helay Duleedka Bay dhabo

0
786

Sida ay Saaka Daabacday Warbaahinta Gudaha Soomaaliya waxaa Maydadkooda Laga helay Duleedka Magaalada Baydhabo Labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan horay uga Tarsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Labada Carruurta ah oo kala ah gabar iyo Wiil ayaa la sheegay in shalay loo diray Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen, balse la waayay ilaa xalay, iyadoo saaka laga helay duleedka magalada Baydhabo meydkooda, iyagoo kiliyaha iyo beerka lagala baxay sida warbaahinta gudaha Soomaaliya xaqiijisay.
Caruurta Maydadkooda la Helay ayaa la sheegay inuu dhalay Xildhibaan Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ka mid ahaa Baarlamaanka Sagaalaad ee Soomaaliya.
Waa dhacdo ku Cusub Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana wararku sheegayan in laamaha Ammaanka Magaalada Baydhabo ay bilaabeen howlgallo baaritano ah oo la xiriira sidii lagu heli lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas argagaxa leh.