Xoghayaha u qaabilsan qeybta dhijitaalka ah ee Madaxweynaha dalka William Ruto, Dennis Itumbi ayaa ka codsaday waaxda Dembi-baarista inay tallaabo qaadaan oo ay soo qabtaan kuwii ka dambeeyay dilkii loo gaystay Daniel Muthiani oo baraha bulshada wax ku qori jiray.
Muthiani ayaa la sheegay in la afduubtay 14-kii bisha December, waxaana la helay meydkiisa shalay oo axad ahayd.
Isaga oo ka falcelinaya Mr Itumbi waxa uu ka codsaday DCI-da in ay arrintan wax ka qabtaan oo ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha.
Wakiilka laga soo doortay Kileleshwa Robert Alai ayaa sidoo kale dalbanaya in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay afduubka iyo dilka Muthiani kaasi oo uu fadhigiisu ahaa ismaamulka Meru.
Alai waxa uu sheegay in dadka wax ku qora baarha bulshada ay aad uga naxeen ugana xanaaqeen afduubka iyo dilka naxariis darada ah ee loo geystay Ninkaasi.




