Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Mark Carney ayaa sheegay in ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan dowladnimada Falastiin.
Waxaa uu xusay in ay mowqifkooda ku caddeyn doonaan kal-fadhigga 80-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay oo lagu wado inuu qabsoomo bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in ay rajeynayeen in xalka labada dowladood lagu gaari karo geeddisocod nabadeed oo ku saleysan wada xaajood balse ay taasi u muuqato mid aan la haleeli karin.
Dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa horay u shaaciyay in ay aqoonsan doonaan qarannimada Falastiin.