Canada oo maraakiib dagaal u diraysa Haiti

0
334

Dowladda Canada ayaa sheegtay inay maraakiibta dagaalka u diri doonto xeebta dalka Haiti.
Qorshahan waxaa ka hadlay ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau .
Maraakiibta halkaasi la geynaya ayaa looga gol-leeyahay in lagu soo uruuriyo xog sirdoon.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dalalkan ay ka soo kabanayaan xasilooni darro dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyo rabshado ay inta badan ku howlan yihiin kooxo abaabulan oo gaysta falal dambiyeedyada.