California oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

0
248

Maamulka gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Tani ayaa loo aaneeyay duufaan xooggan oo laga cabsi qabo inay halkaasi ku dhufato.
Roobab culus ayaa la filayaa inay sido kale sababaan daadad iyo koronto la’aan guud ahaan gobolkaasi laga dareemi karo iyadoo dhanka kale la soo tabiyay inay duufaano ka dhaceen qaybo ka mid ah Maraykanka.
Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah si ay fursad ugu helaan in ay bixiyaan falcelin degdeg ah.
Maalmo ka hor ayaa duufaan la mid ah midda hadda laga cabsi qabo laga soo sheegay gobolka California ee dalka Maraykanka tani oo keentay in la baajiyo duullimaadyo dhowr ah.