Cali Guudlaawe oo xikii ka qaaday guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Hirshabeelle

0
588

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulkaas, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamad Xuseen Maxamad.
Guddoomiyihii hore ee guddigan Axmad Xuseen Diini ayaa lagu eedeeyay xagal daacin iyo hufnaan la’aan shaqo.
Sidoo kale wareegatada Madaxweynaha ayaa lagu xusay in Guddoomiyaha Guddiga uu ka leexday habsami socodka iyo habraacyadada doorashada 2020-2022.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in Musharrax gaar ah u qoray guddiga soo xulaya ergada doorashada, kaasoo ay wadatay Villa Somalia.
Dhanka kale waxa la sheegay in uu is hor istaag dhowr jeer ku sameeyay doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.