Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Safarka madaxweynuhu ku tegayo Itoobiya ma ahan mid laga fiirsaday

0
235

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa go’aan qalad ah ku tilmaamay safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo dalka Itoobiya.
Waxaa uu sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.
Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in dowladda laga rebay inay hoos u dhigto xiriirka Itoobiya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay ahayd in dowladdu hoos u dhigto xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeya Itoobiya, haddii ay ka maarmi weydana hoos loo dhigo meeqaamka wafdiga loo dirayo shirka AU-da.
Waxaa uu xusay in baarlamaanka Soomaaliya oo ahayd inay madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan safarkiisa inay ku fashilmeen arrintaasi, isagoo sheegay inay ku mashquulsan yihiin wax ka beddelka dastuurka dalka.