Cabdirashiid Janan oo la sheegay in xurriyaddiisa dib u helay

0
287

Waxaa la sheegay in la siidaayay wasiirkii hore ee amniga gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo toddobaad ka hor lagu la’ aa magaalada Nairobi.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubbaland, Yuusuf Xuseen Dhuumaal, ayaa xaqiijiyay in la siidaayay Janan oo xalay hooygiisa la geeyay, balse faahfaahin kama uusan bixin cidda siidaysay iyo cidda uu u xirnaa toona.
Xildhibaano ku matala Cabdirashiid Janan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo odeyaal dhaqan ayaa dhawaan baaq la xiriira kiiskan u diray dowladda federaalka, iyaga oo muujinaya walaac iyo tuhun la xiriira sababaha iyo dadka ka dambeyn kara xarrigiisa.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmad Maxamad Islaam, ayaa isna magaalada Nairobi dhawaan u joogay sababo la xiriira kiiska iyo baadigoobka Janan.
Cabdirashiid Janan oo horay u ahaa ragga ugu saameyn weyn siyaasadda gobolka Gedo ayaa horay loogu xiray Muqdisho oo uu shaqo u tegay isaga oo ahaa wasiirka Amniga Jubbaland, isaga oo markii dambena ka baxsaday xabsiga.