Waxaa maanta loo dabaal degayaa maalinka xuriyada saxaafadda adduunka oo sanad kasta la xuso 3-da bisha Shanaad ee May.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo warbixin caalami ah oo la soo saaray lagu sheegay in wariyaasha ay weli la kulmayaan caqabado dhanka shaqada ah.
Guddiga badbaadada wariyaasha ee CPJ ayaa sheegay in sanadkii hore ay laba jibaar noqotay tirada saxafiyiinta ee la dilay iyaga oo waajibaadkooda shaqo gudanaya.
Waxaa dhibaatooyinkan gaystay kooxo burcad iyo maleeshiyo wakiil wareedyo ku bartilmaameedsaday wadamo dimuqraadi ah oo ay rabshado ka taagan yihiin.
Dunida oo dhan sanadkii 2020-kii waxaa la dilay ugu yaraan 30 wariyayaal ah.
Dilalkan ayaa inta badan ka dhacay wadamada Mexico, Afghanistan iyo Filibiin.