Dowladda ismaamulka Mombasa ayaa ku boorrisay dadka deegaanka in ay mudnaanta siiyaan tillaabooyinka nadaafadda, ka dib markii halkaasi laga soo tabiyay kiisas la xiriira caabuq indhaha sameeya.
Waaxda caafimaadka ee ismaamulkaasi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in caabuqan uu yahay mid la isku gudbiyo.
Caabuqan oo indhaha casaan ka dhiga ayaa astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah, xasaasiyad ama indho cuncun, barar iyo dheecaan isha ka imaada.
Waxaa dadka deegaanka loogu baaqay inay u hoggaansamaan tillaabooyinka looga hortagaya caabuqan sida in lagu dadaalo nadaafadda.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka caafimaadka ee dowladda Tanzania ee deriska la ah Kenya uu soo saaryay digniin sare oo ku saabsan caabuqan.