Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ay ka dhacdo 15-ka bishan May oo ku beegan maalinta Axadda ee toddobaadkan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saacadihii u dambeyay ka socday olole doorasho aad u adag, islamarkaana waxaa dhacayay kulamo siyaasadeed oo ay wadeen Musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoona weli ay socdaan Shirar u badan isbeheysi siyaasadeed.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug kana mid ahaa Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu u tanaasulay Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ka dib kulamo ay yeesheen uuna goobjoog ka ahaa Madaxweynaha hadda ee maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Home Wararka Soomaaliya C/kariim Xuseen guulleed oo sheegay inuusan ka qaybgaleyn tartanka madaxweynaha Soomaaliya