Waxaa lagu soo warramayaa in buundo toddobaadkii hore xarigga laga jaray ay ku burburtay ismaamulka Kajiado.
Buundadan oo lagu dhisay dhaqaale dhan 100 milyan oo shilinka dalka ah, ayaa waxaa 17-kii bishan xarigga ka jaray barasaabka dowlad deegaanka Kajiado Joseph Ole Lenku.
Sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinaya in qayb ka mid ah buundada Paa ay duntay, waxaana halkaasi hoos maro webi.
Dadka deegaanka oo adeegsado buundadaasi ayaa laga soo xigtay in waxa sababay inay dunto ay tahay roobab xooggan oo deegaanada ismaamulkaasi ka da’ay.