Burkina Faso oo beenisay eedeyn uga timid hay’adda xuquuqul insaanka ee HRW

0
430

Dowladda dalka Burkina Faso ayaa beenisay eedeyn ay u jeedisay Hay’adda Xuquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch.
Hay’addan ayaa warbixinteedii Khamiista ku sheegtay in 25-kii bishii Labaad ee sanadkan ay ciidamada militari ugu yaraan 223 qof ku dileen tuulooyinka Nodin iyo Soro.
Waxay intaasi ku dartay in dadka la laayey ay ka mid ahaayeen ugu yaraan 56 carruur ah.
Hasa ahaate wasiirka isgaarsiinta ee Burkina Faso ,Rimtalba Jean Emmanuel Ouedraogo ayaa bayaan ku sheegay in ay diiddan yihiin eedeymaha oo ayna cambaareynayaan maadaama uu ku sheegay kuwo aan sal iyo raad lahayn.