Wararka inaga soo gaaraya aaga Kotut, degmada hoose ee Endo ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa sheegaya in labo gabdhood oo isku qoys ah ay kooxo looga shakisan yahay inay burcad yihiin ku toogteen halkaasi.
Waxaa wararku intaasi ku darayaan in ilaa 7 neef oo Lo’ ah ay burcadda dhaceen .
Warbixin uu booliiska soo saaray ayaa lagu sheegay in Lo’da la dhacay loo kaxeeyay dhanka deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo.
Gabdhaha la dilay ayaa ahaa arday wax ka baranayay dugsiga sare ee Kobulwo iyo dugsiga hoose dhexe ee Kabetwa ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Falkan ayaa ku soo beegmaya maalin un ka dib markii barasaabka dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet Wisley Rotich iyo hay’adaha ammaanka ee aaggaasi ay billaabeen howlgalo ay u adeegsanayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si wax looga qabto khatarta burcada.
Mr.Rotich ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay wax ka qabtaan amni darrada ka jirta deegaankiisa, ayna gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay dilalka sharci darrada ah.