Waxaa lagu soo warramaya in weerar ay koox burcad ah ka gaysatay ismaamulka Baringo lagu dilay askari ka mid ahaa ciidamada booliiska qaran ee kaydka ee NPR.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay labo ruux oo kale oo uu ka mid yahay maamule ku xigeen.
Burcadda ayaa weerarka toogashada ah ka gaysatay aagga Nosukuro ee Koonfurta ismaamulka Baringo .
Sanadkan keliya waxay burcadda Baringo dishay ilaa 9 qof.