Wararka naga soo gaaraya dalka Ruushka ayaa sheegaya in la helay buburka diyaarad maanta la waayay.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah lagama bixin in burburkeeda laga dhex helay badda ama in meel dhul ah lagu arkay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in aynan jirin cid ka badbaaday shilkaasi.
Diyaaradda ayaa siday ugu yaraan 28 qof waxaana la waayay xilli lagu waday in ay caga dhigato.
6 ka mid ah dadkan ayaa ahaa shaqaalaha diyaaradda halka 22 kale oo uu ku jiro canug yar ay rakaab ahayeen.
Diyaaraddan oo ku luntay bariga Ruushka ayaa ku wajahnayd dhanka waqooyiga waxayna shaqeynaysay tan iyo sanadkii 1982-dii.