Bungoma: Nin faraxumeeyay gabadh 4 sano jir ah oo lagu xukumay xabsi daa’in

0
629

Maxkamadda ismaamulka Bungoma ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday nin ay da’diisu tahay 38 sano.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu caddeeyay inuu faraxumeeyay gabadh 4 sano jir ah.
Waxaa uu dhibaatadan gaystay bishii 12-aad ee Diseembar ee sanadkii hore.
Saddex qof oo marqaati ah ayaa aqoonsaday Job Wafula Lukhale.
Waxay sheegeen in ay arkeen isagoo gabadha ku faraxumeynaya meel duur ah oo ka tirsan tuulada Myanga .
Warbixin loo bandhigay maxkamadda ayaa muujisay in dhibbanaha sidoo kale la gaarsiiyay dhaawacyo jireed.
Waxaa xukunka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Onyango oo xusay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah.