Bungoma: EACC oo uga digtay maamulaha machadka Kisiwa faragelinta kiis musuqmaasuq ah

0
351

Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) ayaa uga digay Maamulaha Machadka Tababarka Farsamada ee Kisiwa Emmanuel Biketi Wamalwa in uu carqaladeeyo baaritaannada musuqmaasuqa ee ka socda xarunta waxbarasho.
Warqad uu soo saaray maareeyaha gobolka Galbeedka dalka isaga oo ku hadlaaya afka madaxa fulinta ee IEBC Cabdi Maxamuud oo ku taariikhaysan 25-kii bishii September Guddiga ayaa waxaa uu ku sheegay inay baarayaan eedeymaha musuqmaasuqa, ku takri falka xafiiska, iyo xatooyada hantida dadweynaha ee machadka ku yaal ismaamulka Bungoma, iyadoo Mr Wamalwa loo aqoonsaday inuu yahay qof ka mid ah dadka la baraayo.
Sida laga soo xigtay EACC, Wamalwa ayaa waxaa uu isku dayayay in uu hor istaago baaristeeda iyada oo loo marayo hanjabaad, iyo caga jugleyn lagu haayo shaqaalaha machadka oo loo arko in ay la shaqaynayaan guddiga.
Guddiga ayaa waxaa uu ka digay in hab dhaqanka noocan oo kale ah uu noqdo mid caqabad ku ah komishanka gudashada waajibaadkooda shaqo, taas oo ka hor imanaysa sharciga.
EACC ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto baaritaanada ay wado, waxaa ayna ka digtay in aysan ka gaabin doonin in la dhaqan geliyo sharciga hadii ay dhacdo faragelin kale.
EACC ayaa Wamalwa u yeertay bishii Agoosto ka dib markii ay qeylo dhaan ka keeneen bulshada deegaanka Bungoma, iyaga oo sabab uga dhigaya khalkhal dhaqaale oo baaxad leh oo la xiriira maamulkiisa.