Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada booliiska ee ka howlgalo saldhigga Cheptais ee ismaamulka Bungoma ay gacanta ku dhigeen labo ruux.
Waxaa shakhsiyaadkan lala xiriirinaya ka ganacsiga foolasha maroodiga.
Waxaa howlgalkan fuliyay ciidamada waaxda adeegga duurjoogta ee dalka ee (KWS) ee magaalada Kitale oo kaashanaya booliiska iyagoo adeegsanaya xog sirdoon.
Eedeysanayaasha ayaa lagu qabtay isgoyska Cheptais- Kipsis xilli ay foolasha marooga ku qariyeen jawaan lagu siday mooto.
Waxay hadda ku jiraan saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in isagoo kaashanaya maamullada kale ay ka go’an tahay ilaalinta duurjoogta iyo hiddaha qaran.