Waxaa lagu soo warramayaa in duullaanka ay Israa’iil ku qaadday magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza uu sababay in ay halkaasi ka qaxaan bukaano iyo howlwadeennada caafimaadka ee dadkan daryeelaya.
Maxamad Zaqout oo ka mid ah dhakhaatiirta ayaa warbaahinta u sheegay in aynan hayn sariirro la seexiyo ama isbitaallo lagu wareejiyo bukaannada gaar ahaan kuwo ay xaaladoodu liidato.
Waxaa uu sheegay in isbitaallada Rafah ay xirmayaan isagoo tusaale u soo qaatay in isbitaalka Al-Najjar Hospital aan hadda laga bixin wax adeeg ah halka Kuwaiti Hospital uu keliya la tacaalaya xaaladaha degdegga iyo tiiraanyada.