Bukaanka qabo xanuunnada dhimirka ee Mombasa oo laga tallaalay COVID19

0
489

65 bukaan oo la daala- dhacaya xanuunnada saameeya dhimirka oo ku nool ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa la siiyay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waa markii ugu horreeysay ee ay tallaalkan ku qaateen isbitaalka deegaan baarlamaneedka Changamwe.
Shakhsiyaadkan ayaa bulshada ka codsaday inay soo afjaraan faquuqa ay ku hayaan.
Maamulka xarunta qaabilsan awoodsiinta haweenka iyo dhaqangelinta ayaa dowladda ismaamulka Mombasa uga mahadceliyay daryeelka caafimaad ee ay u fidisay dadka ka xanuunsan dhanka dhimirka.
Hasa ahaate guddoomiyaha xaruntan Amina Cabdalla ayaa walaac ka muujisay takoorka ay bukaankan kala kulmaan qaybaha bulshada waxayna soo jeediyay in la soo dhaweeyo oo aan la faquuqin.