Boqorka Ingiriiska oo qirtay xadgudubyo wadanka ka dhacay xilligii guumaysiga

0
193

Boqorka Ingiriiska King Charles III oo dalka booqasho afar cishe ah ku joogo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay oo uu ka qoomameynaya gabood-fallo dhacay xilligii guumaysiga.
Boqorka ayaa qaabkii uu maamulkii guumaysiga ee Ingiriiska ula dhaqmay kenyaanka intii ay u halgamayeen xurriyadda ku tilmaamay mid laga xumaado oo aan loo qiil dayi karin.
Arrintan ayuu ka sheegay xarunta madaxtooyada dalka ee State House oo uu ku casuumay madaxweyne William Ruto.
In kastoo uunan raalli gelin rasmi ah bixin sidii laga dalbanayay haddana wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo dhibbanayaasha guumaysigii Ingiriiska isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in labada dhinacba ay iska kaashadaan xallinta waxyaabaha cadaalad darrada ah ee horay u dhacay.