Boqolkiiba 91 ee ardaydii sameeyay KCPE-da oo ku biiray dugsiyada sare ee dalka

0
223

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in boqolkiiba 91 ee ardaydii sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ay ku biireen fasalka koowaad ee dugsiyada sare.
Xoghayaha joogtada ah ee tacliinta aasaasiga Dr. Belio Kipsang ayaa tiradan ku tilmaamay mid lagu farxo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasaaradda waxbarashada ay ka go’an tahay xaqiijinta sidii dhammaan 131,854 oo arday ah oo aan weli ku biirin dugsiyada sare ay sida ugu dhaqsiyaha badan u tagi lahaayeen goobaha waxbarashada.
Qaar ka mid ah waalidiinta dalka ayaa sheegay inay caqabad kala kulmayaan bixinta qarashaadka tacliinta ee carruurtooda .
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay inay ku dadaalayso sidii loo xallin lahaa caqabadaha ay wajahayaan waalidiinta la daala dhacaya culeysyada dhaqaale.
Geeddisocodka qaabilaadda ardayda ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee wadanka ayaa soo billowday 15-kii bishan koowaad waxaana lagu sameeyay qaab online ah iyadoo la adeegsanaya hannaanka maareynta macluumaadka waxbarashada ee (NEMIS).