Boqolkiiba 85 ee kenyaanka oo walaac ka muujinaya xaaladda nololeed

0
242

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 85 ee kenyaanka ka qayb qaatay ay walaac ka muujinayaan qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxay sheegeen in si degdeg ah loogu baahan yahay in dowladdu ay maareyso sicir bararka nololeed.
Tani ayaa u dhiganta korar ah boqolkiiba 13 marka loo barbardhigo cilmi baaristii shirkadda Infotrak ay sameysay bishii saddexaad ee sanadkan.
Waxaa xilligaasi xaaladda nololeed ka walacsanaa boqolkiiba 72 ee kenyaanka.
Shirkadda ayaa sheegtay in boqolkiiba 47 ee dadweynaha ay doonayaan in mudnaanta koowaad la siiyo wax ka qabashada shaqa la’aanta halka boqolkiiba 20 ay walaac ka muujinayaan tayada waxbarasho.
Darasaadkan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 3-dii ilaa 8-dii bishan Toddobaad waxaana dadka lagu wareystay qaab taleefoon ah.
Waxaa ra’yi uruurintan ka qayb qaatay 2,400 qof oo ku sugan 47-da ismaamul ee dalka.
Boqolkiiba 94 ee dadka ku nool gobolka Waqooyi bari ayaa walaac ka muujinaya qiimaha sarreeya ee maciishadda halka bariga dalka tiradan ay tahay boqolkiiba 79.
Darasaadka waxaa lagu ogaaday in walaaca ugu badan ay qabaan haweenka marka loo barbardhigo ragga.
Boqolkiiba 89 ee haweenka ayaa doonaya in mudnaan la siiyo xallinta caqabaddan halka tirada ragga ee sidan dareemaya ay tahay boqolkiiba 86 .
Boqolkiiba 16 ee kenyaanka waxay doonayaan in marka ugu horreysa wax laga qabto musuqmaasuqa.
Keliya boqolkiiba 3 ee kenyaanka ayaa dareemaya in si degdeg ah loogu baahan yahay la tacaalidda qiimaha canshuurta.