Boqolkiiba 78 ee shacabka Waqooyi Bari oo wajahaya murugo dhaqaale

0
199

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee InfoTrak ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 73 ee dadweynaya ay hadda wajahayaan xaalado adag oo dhanka dhaqaalaha ah.
Shirkadda ayaa warbixinteeda maanta ku sheegtay in muwaadiniinta badankoodu ay dantu ku qasabtay inay ganacsiyo kale furtaan.
Sidoo kale dadweynaha la wareystay ayaa sheegay inay yareeyeen qarashaadkii ay si maalinle ah u isticmaali jireen si ay ula jaanqaadaan xaaladda jirta.
Maareeyaha cilmi baarista shirkadda daraasaadka ee InfoTrak ,Johvine Wanyingo ayaa sheegay in boqolkiiba 18 ee dadweynaha u warramay uu haysto walaac xooggan oo maaliyadeed halka keliya boqolkiiba 5 ay xaaladaha si aan culeys lahayn u maareynayaan.
Dadka ugu badan ee wajahaya murugada dhaqaale ayaa ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya waxayna tiro ahaan u dhigmaan boqolkiiba 78.
Waxaa soo raaca dadweynaha gobolka Xeebta oo ay shirkadda InfoTrak ku sheegtay boqolkiiba 76, Bartamaha dalka waa boqolkiiba (74) halka Rift valley ay tahay boqolkiiba 73.
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay 18-kii iyo 19-kii bishii 12-aad ee Diseembar ee sanadkii hore.
Waxyaabaha lagu ogaaday daraasaadka waxaa ka mid ah in boqolkiiba 45 ee kenyaanka ay raadsadeen shaqooyin dheeraad ah si ay u kobciyaan dakhligooda.
Boqolkiiba 41 ee dadka ka qayb qaatay ra’yi uruurintan ayaa sheegay inay meesha ka saareen qarashaadkii aan muhiimka ahayn ee ka bixi jiray.
Boqolkiiba 18 ee kenyaanka waxay doorbideen inay lacago amaah ah qaataan halka boqolkiiba 15 ay deymo ka qaateen asxaabtooda iyo ehelladooda si ay u maareeyaan culeysyada dhaqaale ee jira.
Maareeyaha cilmi baarista shirkadda daraasaadka ee InfoTrak ,Johvine Wanyingo ayaa xusay in hadda ay jiraan muwaadiniin maalin iyo habeenba shaqeeya si ay u helaan dhaqaale dheeraad ah oo ku filan baahiyahooda nololeed.
Warbixinta laga soo saaray ra’yi uruurinta shirkadda InfoTrak waxaa ku cad in culeyska dhaqaale ee jira uu kenyaanka ku yeeshay saameyn dhinacyo badan ah sida caafimaadka jireed , xiriirrada shakhsiyeed oo aan wanaagsanayn,walwal iyo heerka iskubuuqa maskaxeed oo kordhay.
Shirkadda ayaa laga soo xigtay in dadka hadda wajahaya iskubuuq maskaxeed oo sarreeya ay yihiin boqolkiiba 48, boqolkiiba 32 waxaan u wanaagsanayn xiriirrada halka saameynta dhanka caafimaadka jireed ay tahay boqolkiiba 21.
Waxaa ra’yi uruurintan lagu wareystay 1,500 oo kenyaan ah oo ka soo jeedo 47-da ismaamul ee uu dalku ka kooban yahay.
Waxay badankoodu rajo xumo ka muujiyeen jawiga dhaqaale ee dalka ee sanadkan 2024-ta.
Waxay sheegeen in heerka shaqo la’aanta , qarashaadka waxbarashada, sarriifka doollarka marka lagu beddelaya shilinka Kenya iyo qiimaha tamarta ay sanadkan kordhi doonaan.
Dadweynaha ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay garab ku siiso la tacaalidda xaaladaha adag ee dhaqaale ee ay wajahayaan.
Boqolkiiba 26 ee shacabka ayaa dowladda ugu baaqay inay yareyso qiimaha sarreeya ee nolosha iyadoo hoos u dhigaysa canshuuraha , in ay abuurto fursado shaqo sidoo kalena taageero buuxda siinaysa waaxda beeraha ee dalka.
Warbixinta ay maanta soo saartay shirkadda Infotrak ayaa muujineysa in boqolkiiba 55 dadka Kenyaanka ah aysan qutul yoonkooda heli karin.
Sahanku waxa kale oo uu muujinayaa in kenyaanka da’doodu u dhaxayso 18-26 sano iyo kuwa ka sarreeya 55 sano in ay yihiin kuwa ugu badan ee la daalaa dhacaya nolosha ,waana 77 boqolkiiba.