Boqolkiiba 75 ee deymaha Hustler Fund oo aan la bixin

0
327

Wasiirka wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka iyo ganacsiyad yaryar ee dalka Simon Chelugui ayaa sheegay in aan dib loo bixin boqolkiiba 75 ee lacaga amaahda ee ay kenyaanka ka qaateen sanduuqa Hustler Fund.
Barnaamijkan ayaa ah mid ay dowladda dhexe taageero dhaqaale ugu fidinaysa ganacsatada iyagoo sanadkiiba bixinaya lacag dulsaar oo ah boqolkiiba 8.
Waxaa uu wasiirka xusay in dowladda ay 19 cishe gudahooda ku bixisay amaah dhan 9.58 bilyan oo shilin.
Waxaa dib loo soo celiyay 2.64 bilyan oo lacagtan ka mid ah sida laga soo xigtay wasiirka wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka.