Boqolkiiba 73 ee shacabka Nairobi oo ka dayrinaya halka uu dalku ku wajahan yahay

0
415

Cilmi baaris ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak oo maanta la soo bandhigay ayaa waxaa ku cad in dadweynaha ku nool ismaamulka Nairobi aynan rajo wanaagsan ka muujinayn jahada uu dalku ku socdo.
Boqolkiiba 73 ee shacabka Nairobi ee ka qayb qaatay ra’yi uruurinta ayaa dareenkan muujiyay.
Waxay walaac ka qabaan sare u kaca ku yimid maciishadda oo ay sheegayaan inuu culeys wayn ku hayo.
Hasa ahaate boqolkiiba 11 ee shacabka ay Infotrak wareysatay ayaa qabo in Kenya ay ku wajahan tahay waddada saxda ah.
Darasaadka waxaa uu tilmaamaya in boqolkiiba 14 ee shacabka ku nool caasimadda wadanka aynan arrintan u kala caddeyn.
Cilmi baarista ayaa intii u dhexeysay 2-dii ilaa 3-dii bishan laga sameeyay 17-ka deegaan baarlamaaneed ee Nairobi.
Waxaa ka qayb qaatay dad ay tiradoodu tahay 1,024 qof.