Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa warbixin ku sheegay in sanadkii hore , tirada shaqaalaha dowladda ee la dallacsiiyay ay boqolkiiba 70 rag ahaayeen.
Warbixintan ayaa lala wadaagay baarlamaanka waxaana ku cad in howlwadeennada la dallacsiiyay ay ahaayeen 6,172.
4, 320 oo tiradan ka mid ah una dhiganta boqolkiiba 70 ayaa lagu sheegay rag halka 1,852 ama boqolkiiba 30 ay dumar ahaayeen.
Saraakiishan ayaa ka howlgalo 15 ka mid ah wasaaradaha dalka.
Tirada ugu badan ee la dallacsiiyay ayaa ka shaqeeya waaxda dowladda ee arrimaha jinsiyadda waxayna ahayd 2,226 halka ay ugu hooseysay wasaaradda arrimaha dibadda.
Sida warbixinta ku cad waxaa sanadkii hore shaqooyinkoodi iska casilay 47 sarkaal halka 22 loo wareejiyay goobo kale.