Boqolkiiba 63 ee kenyaanka oo aaminsan in wadanka uu jaho khaldan ku socdo

0
393

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 63 ee dadweynaha ay qabaan in wadanka uunan jaho wanaagsan ku socon.
Waxay tani u aaneeyeen sicir bararka nololeed ee jira.
Infotrak ayaa laga soo xigtay in dadka su’aallaha la waydiiyay ay doonayaan in shaqo la’aanta si buuxda wax looga qabto.
Kenyaanka ayaa doonaya in si gaar ah loo eego waaxyaha gaadiidka , kaabayaasha iyo waddooyinka.
Sidoo kale , dadka ka qayb qaatay daraasaadka shirkadda Infotrak ayaa dalbanaya in la fududeeyo qarashaadka ku baxa howlaha ganacsiga iyo xarumaha caafimaadka.
Maareeyaha cilmi baarista ee shirkadda Infotrak Johvine Wanyingo ayaa sheegay in tan iyo bishii Sideedaad ee sanadkii 2023-kii arrimaha ugu badan ee ay shacabka doonayaan in dowladdu ay la tacaasho ay yihiin shaqo la’aanta iyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Wanyingo ayaa dhanka kale sheegay in boqolkiiba 19 ee dadka la wareystay ay rumeysan yihiin in wadanka uu jaho toosan ku socdo waxayna cuskanayaan dhaqaalaha la wanaajiyay.
Shirkadda Infotrak ayaa su’aallo waydiisay isku celcelis ahaan 1,700 qof oo ay da’doodu ka sarreyso 18 sano.
Sidoo kale waxaa ra’yi uruurinta lagu ogaaday in kenyaanka aynan daneyn fursadaha shacabka loo siiyo in ay aragtidooda ka dhiibtaan hindise sharciyeedyada kala duwan.
Waxaa ra’yi uruurinta ka soo baxday in tirada shacabka ee arrimahan daneeya ay tahay boqolkiiba 3.
Dadka la wareystay ayaa xusay in mas’uuliyiinta aynan tixgelin aragtidooda marka ay ka ra’yi dhiibtaan arrimaha masiiriga ah.