Boqolkiiba 57 ee shilalka waa khaladaad aadane

0
503

Injineer lagu magacaabo Wilfred Oginga oo ka tirsan maamulka dhisa waddooyinka magaalooyinka ee (KURA) ayaa sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 57 ee shilalka dhaca loo aaneeyo khaladaad laga hor tagi karo.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka qayb galay kulan ku saabsanaa gaadiidka iyo kaabayaasha oo lagu qabtay xarunta KICC ee magaalada Nairobi.
Oginga ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in nidaam tiknolojiyadeed la adeegsado si booliska looga caawiyo dhaqangelinta xeerarka taraafikada.
Mas’uulkan ayaa sheegay inuu jiro habdhaqan dhanka kaxeynta baabuurta ah oo aan wanaagsanayn oo ay tahay in laga gudbo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in boqolkiiba 2 ee kiisaska shilaka ay sabab u yihiin baabuur aan tayo ahaan wanaagsanayn oo waddooyinka isticmaala.