Boqolkiiba 54 ee kenyaanka oo sheegay in ay fahansan yihiin hindise maaliyeedka sanadkan

0
316

Warbixin laga soo saaray ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda Infotrak ayaa muujinaysa in boqolkiiba 54 ee dadweynaha la wareystay ay sheegeen in ay fahansan yihiin hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Marka la eego gobolka Bartamaha Kenya , waxaa xeerkan ka war qabo boqolkiiba 62 halka dhanka Bari tiradan ay tahay boqolkiiba 41.
Dhanka Waqooyi Bari , boqolkiiba 54 ee kenyaanka halkaasi ku nool ayaa sheegay in aynan ka war qabin hindise sharciyeedka maaliyadda ee uu maamulka Kenya Kwanza doonaya inuu ku helo dakhli dheeraad ah.
Daraasaadkan oo la sameeyay 23-kii ilaa 29-kii bishii Shanaad ee sanadkan ayaa waxaa ku cad in dhanka jinsiyadda , boqolkiiba 59 ee dadka lagu wargeliyay qorshahan ay yihiin rag marka loo barbardhigo dumarka.
Maareeyaha cilmi baarista shirkadda Infotrak ,Johvine Wanyingo ayaa laga soo xigtay in dadka ugu badan ee fahansan hindise sharciyeedka ay da’doodu u dhexeyso 46 ilaa 55 sano maadaama ay ku howlan yihiin arrimaha maaliyadda.
Wanyingo ayaa intaasi ku daray in boqolkiiba 85 ee shacabka la wareystay ee Waqooyi Bari ay sheegeen in hindise sharciyeedkan uunan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, boqolkiiba 81 ee shacabka ayaa ka soo horjeestay in la dhaqangeliyo canshuurta ah boqolkiiba 2.5 ee qiimaha baabuurta.
Dhanka kale , boqolkiiba 87 ee dadka ka qayb qaatay cilmi baarista shirkadda daraasaadka ee Infotrak ayaa ka soo horjeestay canshuurta dakhliga ee ah boqolkiiba 16 ee lagu soo rogaya rootiga.
Boqolkiiba 86 ee kenyaanka ayaa ka soo horjeestay soo jeedinta ah in boqolkiiba 16 la canshuuro adeegyada maaliyadda iyo caymiska iyo hannaanka lacagaha la isugu diro ee M-Pesa .
Infotrak ayaa sheegtay in si guud , boqolkiiba 77 ee kenyaanka ay aaminsan yihiin in hindise sharciyeedka maaliyadda uunan wax saameyn ah ku yeelan doonin xaaladda dhaqaale ee dalka iyadoo boqolkiiba 13 ay arrinkan rajo wanaagsan ka muujinayaan.