Boqolkiiba 53 oo u soo baxay codeyntii Spain

0
323

Waxaa lagu soo warramayaa in doorashadii shalay ka dhacday dalka Spain ay ka qayb qaadashadeeda ay u soo baxeen boqolkiiba 53 ee codbixiyeyaasha.
Tartanka ugu adag ee dhanka hoggaanka ayaa u dhexeya Ra’iisul Wasaare Pedro Sanchez oo ka tirsan xisbiga (PSOE) iyo madaxa xisbiga midigta fog ,Alberto Nunez Feijoo.
Pedro Sanchez ayaa xukuumadda Spain hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2018 iyadoo waxyaabihii uu la tacaalay ay ka mid yihiin cudurka COVID-19 iyo sicir barar ka dhashay duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado dalka Ukraine.
Waxaa ka qayb qaadashada doorashada Spain isku diiwaangeliyay 37.4 milyan oo codbixiyeyaal ah.
Sidoo kale waxaa lagu tartamaya kuraasta aqalka hoose ee dalkaasi oo gaaraysa 350 iyo sidoo kale aqalka sare oo ah in ka badan 200.
Ra’yi uruurin horay loo sameeyay ayaa lagu saadaaliyey inuu doorashada ku guulaysan karo musharraxa xisbiga midigta fog.