Daraasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee (TIFA) ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 49 ee kenyaanka la wareystay ay dareemayaan in wadanka uu ku wajahan yahay jaho wanaagsan.
Darasaadkan oo la sameeyay toddobaadkii hore ayaa waxaa ka qayb qaatay 1,007 qof.
Waxaa dhanka kale ka soo baxday in boqolkiiba 36 ay ka dayrinayaan jahada uu dalku ku socdo tani oo ay u aaneeyeen xaaladda dhaqaale ee wadanka iyo sicir bararka nololeed ee jira.
Waxay sheegayaan in 12-kii bilood ee ugu dambeeyay ay sii xumaanaysay xaaladda dhaqaale ee Kenya.